Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Mid kamid ah saxiixyada cusub ee Real Madrid oo la xaqiijiyay inuu seegayo Super Cup-ka yurub

$
0
0

(Madrid) 13 Agoosto 2018 Real Madrid ayaa xaqiijisay in mid kamid ah saxiixyadeeda suuqa kala iibsiga ee xaggaagan uu seegi doono kulanka arbacada.

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa arbacada ku balansan Final-ka Super Cup-ka yurub kadib markii ay soo kala qaadeen Champions League iyo Europa League.

Image result for alvaro odriozola real madrid

Bayaan ay soo saartay Real Madrid ayaa lagu sheegay in daafacooda cusub ee Alvaro Odriozola uu qabo dhaawac isla markaana uu seegi doono kulanka Atletico Madrid.

Kooxda ma shaacin waqtiga uu dib ugu soo laabanayo garoomada, laakiin sida muuqata ma ahan laacib ay u dhutin doonto Real Madrid.

Alvaro Odriozola ayaa suuqa xaggaagan ka soo dhaqaaqay kooxda Real Sociedad, Real Madrid ayaana ka dul qaaday saxiixiisa kooxo ay ku jirto Barcelona.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles