Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Thomas Tuchel oo doonaya in PSG uu ka dhigo sida Real Madrid ka hor kulanka Liverpool

$
0
0

(Paris) 17 Sab 2018 Tababaraha kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa doonaya inuu ka dhigo kooxdiisa sida Real Madrid ka hor kulanka Liverpool.

PSG ayaa habeen dambe u martin doonta Liverpool kulan ka tirsan wareega guruubyada ee koobka horyaalada yurub.

Thomas Tuchel ayaa doonaya in ciyaartoydiisu ay u fikiraan sida ciyaartoyda Real Madrid haddii ay doonayaan inay ku guulaystaan Champions League.

“Real Madrid ayaa na tustay wixii aan samayn lahayn, waayo jiilba kan ka danbeeya wuxuu garanayaa sida loo guulaysto kulamada waa wayn iyo sida looga adkaado cadaadiska” ayuu yiri tababare Thomas Tuchel.

“Labadii sano ee la soo dhaafay PSG sooma bandhigin wax lagu qanci karo koobka Champions League”.

“Waxaa jirta maalin aad gaarayso guul wayn, ma haboona maalinkaas inaad fashilanto, Real Madrid waxay na tustay qaabka sidaas loo samayn karo, khibradu waa muhiim waqtigaas oo kale”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles