Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Benzema oo rajaynaya in Real Madrid ay hanato Champions League markii 4-aad oo xiriir ah!

$
0
0

(Madrid) 17 Sab 2018 Weerar yahanka kooxda Real Madrid ee Kraim Benzema ayaa daaha ka qaaday inuu filayo in kooxdiisu ay markale hanato koobka horyaalada yurub.

Real Madrid ayaa ku guulaysanaysay Champions League 3-dii sano ee la soo dhaafay, tartanka ayaana ka duwan xiliciyaareed kaan sidii hore.

Kooxda reer Spain ayaa arbacada garoonkeeda ku marti qaadaysa kooxda horyaalka talyaaniga ee Roma, Benzema oo ka hadlay kulankaas ayaa yiri:

Image result for benzema champions league

“Kulan walba oo ka tirsan Champions League aad ayuu muhiim noogu yahay, waxaan rajaynayaa in nasiibku uu la safto Real Madrid xiliciyaareed kaan si ay ugu guulaysato koobkaan”.

“Waan ognahay in kooxo badan oo xoogan ay joogaan koobka, laakiin hadafka Real Madrid marwalba waa ku guulaysiga koobka ay ciyaarayso”.

“Kulanku waa mid culus, kooxda reer talyaani waa koox xoogan, waxay haystaan ciyaartoy fiican, waxaa haboon inaan koobka ku bilaabano si xoogan”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles