Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Man United oo Guul Gaartay, Difaacayaasha Real oo Xasuuqay Roma, Ronaldo oo Casaan qaatay xili Juventus Guuleysatay Iyo Manchester City oo Guuldarro ku Furatay Koobka Champions League

$
0
0

( Champ’ League ) 19 Sab 2018. Manchester united ayaa guul raaxo ah ka gaartay kooxda Switzerland ee Young Boys oo ay kaga adkaadeen 3-0.

Goolasha ay guusha ku gaartay Red Divels waxaa u kala dhaliyay laba gool oo Paul Pogba ah iyo Goolka seddaxaad uu dhaliyay Anthony Martial.

Dhinaca kale iska dheeshan kamid ah group-kan H naadiga Juventus ayaa guul ka gaaray dhigeeda Valencia oo ay marti u ahaayeen.

Kulankii labada naadi dhexmaray ayaa ku dhamaaday 2-0 waxayna labada gool ahaayeen kuwo uu Rigoore ku dhaliyay xiddiga Miralem Pjanic, laakiin dheesha bilaawgeeda waxaa casaan la siiyay Cristiano Ronaldo markii uu qalad ku galay cayaariyahanada kooxda Guriga.

Man City vs Lyon LIVE plus Real Madrid vs Roma - Champions League

Naadiga sedaxdii sano ee lasoo dhaafay difaacaneysa koobka Champions League ee Real Madrid ayaa guul raaxo ah garoonkeeda kaga gaartay AS Roma.

Los Blancos ayaa ku badisay 3-0 waxaana goolasha u kala dhaliyay Isco Bale iyo Mariano Diaz.

Ugu Dambeyn kooxda Manchester City ayaa guuldarro ku daah furtay koobka Champions league markii garoonkooda ay qasaaro 2-1 kala kulameen kooxda reer France ee Lyon.

Labada gool ayaa looga hormaray kooxda City waxaana ka kala dhaliyay Maxwell Cornet iyo Nabil Fekir inkastoo waqti dambe ay gool la yimaadeen waxaana u dhaliyay Bernardo Silva.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles