(Europe) 20 Sab 2018. Gabadha la dhalatay Cristiano Ronaldo ee Katia Aveiro ayaa si xun baraha bulshada ugu soo weerartay go,aankii kaarka cas xalay loogu taagay walaalkeed.
Ronaldo ayaa nasiib u yeelan waayay inuu dhammeysto kulankiisii ugu horreeyay Champions League ee kooxdiisa cusub ee Juventus kaddib markii kaarka cas loo taagay qeybtii hore ee ciyaarti xalay ay la yeesheen Valencia.
Ronaldo walaashiis oo aad u carreysan ayaa boggeeda Instagram ku soo qortay:
“Ceebta kubbada cagta, caddaalad ayaa la fali doonaa.
“Waxay doonayaan inay bur buriyaan walaalkey, balse Ilaahey marna Ma jiifto.
“Waa lagu ciqaabi doonaa Ilintan ay kaa daadiyeen.
“Waxay doonayaan inay ku quusiyaan, balse ma maareen doonaan midaa.” .
Gool FM.