Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Pogba oo ka hadlay guushii ay xalay kaga gaareen kooxda Young Boys tartanka Champions League

$
0
0

(Champions League) 20 Sab 2018. Paul Pogba ayaa ka hadlay kadib guushii ay xalay kaga gaareen 3-0 kooxda Young Boys kulankoodii koowaad ee tartanka Champions League.

Laacibka reer France ayaa laba gool u dhaliyay kooxdiisa United qaybtii hore ee ciyaarta halka Martial uu goolka saddexaad kaga shubay Young Boys.

“Marka aad guul gaarto aad ayaa u farxeysaa, waxaan ka xooganahay dhanka maskaxda waxaana sameyn doonaa horumar”.

“Tani waa guul muhiim ah sababtoo ah, waa kulankii ugu horeeyay ee UEFA Champions League, waxaan u baahannahay bilow fiican, waana ku guuleesanay inaan sidaas sameeyo”.

“Waan ku faraxsanahay inaan gool dhaliyo, isla markaana guul gaarsiiyo kooxdeyda, hadii aan sidaas sameeyo waa hubaal in kooxdeyda aan caawin doono”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles