(Turin) 20 Sab 2018 Emre Can ayaa xalay ku guul daraystay inuu daqiiqado badan ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo kulankii Valencia.
Laacibkii hore ee Liverpool ayaa badal ku soo galay ciyaarta qaybteedii hore kadib dhaawac soo gaaray Sami Khedira, balse daqiiqado kadib Ronaldo ayaa casaan qaatay.
Emre Can ayaa sheegay in iyagu aysan ahayn Dumar maadaama Ronaldo uu casaan qaatay markii uu tinta ka jiiday daafac ka tirsan Valencia.
“Ronaldo? Waxaan maqlay oo kaliya inuu tinta ka taabtay, anagu dumar ma nihin, noo ogolaada inaan ciyaarno kubadda cagta” ayuu yiri Emre Can.
“Haddii aad kaarka cas ku bixisay sababtaas waa in qalad walba oo la sameeyo aad ku bixisaa kaar cas, sax ma ahayn in ciyaarta laga saaro”.
Gool FM