Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Mark Clattenburg oo ka warbixiyay fikirkiisa kaga aadan kaarkii roosaha uu qatay Ronaldo kulankii Valencia

$
0
0

(Europe) 20 Sab 2018. Mark Clattenburg oo xili hore ka fariistay shaqada garsoorka ayaa ka hadlay kaarkii roosaha uu qaatay Cristiano Ronaldo kulankii Valencia iyo Juventus ee Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa ciil la ooyay kadib markii uu qaatay kaarka roosaha ee toos ah kulankii xalay ee Champions League, waxaana ilaa iyo haatan ka taagan muran xoogan garsoore Mark Clattenburg ayaa isna ka dhiibtay fikirkiisa.

“Waxaa jirtay riixitaan yar ee dhanka Ronaldo ah, taasoo sababtay inuu dhulka ku dhoco laacibka kooxda Valencia, laakiin Cristiano ayaa nasiib daro ku dhacday, ma jirin wax dagaal ah uu sameeyay ciyaaryahan reer Portugal”.

“Ma garanayo sida Cristiano Ronaldo loogu ciqaabay kadib riixitaankan yar, goorsoorka wuxuu ku qasbanaa inuu go’aan gaaro, hadii aan booskiisa joogi lahaa, waxaan bixin lahaa kaarar badan ee jaale ah”.

“Cristiano Ronaldo ma seegi doono kulanka Manchester United ee Champions League”

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles