Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Allegri oo codsaday in muuqaal caawiyaha garsoorka VAR loo adeegsado tartanka Champions League

$
0
0

(Juventus) 20 Sab 2018. Kadib kaarka roosaha uu qaatay laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo Massimiliano Allegri ayaa codsaday In muuqaal caawiyaha garsoorka VAR laga Isticmaalo tartanka Champions League.

Ronaldo ayaa isaga oo ooyay ka baxay garoonka, kadib markii uu qaatay kaarka roosaha ee toos ah kulankii xalay ee Champions League ay ku wada ciyaareen kooxaha Valencia iyo Juventus.

“Waxa kaliya ee aan sheegi karo ayaa ah in muuqaal caawiyaha garsoorka VAR ay muhiim u tahay in loo adeegsado go’aamada noocaan oo kale,

“Cristiano Ronaldo wuxuu sidoo kale naga maqnaan doonaa kulneena soo aadan ee Champions League, balse aan aragno  waxa dhaca iyo go’aanka kasoo baxa arintan”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles