(Europe) 21 Sab 2018. Cristiano Ronaldo ayaa la warinayaa inuu wajihi doono kooxdiisii hore ee Manchester United kaddib markii uu ka bad baaday ganaax dheeri ah sida ay sheegayaan warar dhawaan gal ah.
Laacibkii hore ee Real Madrid ayaa isagu seegi doona kulanka Champions League ay Juventus la yeelan doonto Young Boys labada bisha Oktoobar kaddib kaarkii casaa ee loo taagay kulankii Valencia.
Sida uu sheegayo warsidha the Mirror in ilo wareedyo laga helay UEFA ay soo jeedinayaan in guddiga anshaxa aysan ciqaabi doonin Ronaldo marka laga reebo halka kulan ee ganaaxa qasabka ah.
UEFA ayaa iyadu furtay baaritaanada ku aadan Roosihii la siiyay xiddiga reer Portugal balse Ronaldo ma heli doono natiijada ilaa khamiista soo socota.
Xiriirka kubbada cagta Yurub ayaa awooda inay kordhiyaan ganaaxa Ronaldo haddii ay dareemaan inuu galay qalad wayn inkastoo uu weli u furnaan karo racfaan.
Garsoore Referee Felix ayaa Kaarka cas oo toos ah u taagay xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka kaddib markii uu u muuqday mid tinta ka jiiday daafaca Valencia Jeison Murillo mar ay isku dheceen.
Ronaldo ayaa ooyin jabsaday isagoo xitaa diiday in cabaar ah inuu garoonka ka boxo isagoona ku yiri Garsoorayaasha: “Waxba ma sameyn aniga..
Sikastaba ilo wareedyo iminka laga helayo UEFA ayaa tibaaxaya in Ronaldo uusan la kulmi doonin ganaax dheeri ah oo aan ka ahayn halka kulan ee qasabka ah taa oo ka dhigan inuu diyaar u noqon doono kulanka ay Juventus ku wajihi doonto kooxdiisii hore ee Manchester United.
Gool FM.