(Madrid) 29 Maajo 2016 Tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa niyd jab ka qaaday guul dardii xalay soo gaartay kooxdiisa kadib markii laga qaaday Champions League.
Diego Simeone ayaa sheegay inuu haatan ka fikirayo mustaqbalkiisa wuxuuna cadeeyay in wax wanaagsan aysan ahayn sii joogida Atletico kadib laba Champions League oo laga qaaday.
“Waxaan doonayaa inaan ugu hambalyeeyo Real Madrid koobkoodii 11-aad, kooxda guulaysata ayaa marwalba fiican, waxaan doonaynaa inaan siiwadno shaqadeena, waa inaan ka fikiraa dhankayga arimo ii gooni ah” ayuu yiri Diego Simeone ciyaarta kadib.
“Waxaan doonayaa inaan dib ugu laabto gurigayga oo aan nasto, wixii aan samaynay ma ahan wax fudud, soo tiigsashada Final-ka Champions League 2-jeer 3 sano gudahood waa guul wayn, laakiin taas kuma faraxsani”.
“Xaqiiqdii waan ka fikirayaa mustaqbalkayga haatan, ma jiraan wax intaas kabadan, aad ayaan u jeclahay Atletico, anigana halkaan aad ayaa la iiga jecelyahay laakiin waxaa haboon inaan iraahdo xaqiiqada”.
“Ma ahan wax wanaagsan inaan sii joogo halkaan kadib guul darada 2-Final ee Champions League, waayo Guuldarada 2-Final waxay la micno tahay fashil”.
Gool FM