Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Juventus ma ahan tii 2015.”. Tababare Allegri oo digniin u diray Real Madrid

$
0
0

ale

(Cardiff) 02 Juunyo 2017. Massimiliano Allegri ayaa sheegay in Juventus aysan ahayn tii labo sano ka hor ay Barcelona ka qaaday Champions League, guul waxaan ahayna kama filanayo kulanka habeen dambe ee Finalka Champions League ay ku wajihi doonaan Real Madrid.

Juve ayaa 2015-kii sanadan oo kale filaneysay inay saddex koob ku wada guuleysato balse Barcelon ayaa u diiday riyadaas, hayeeshee iminka waxay ku rajo wayn yihiin inay rajadooda saddexleyda u rumoobi doonto.

Allegri ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in Marwada Duqda ah ay iminka wax badan hagaagtay oo horumartay isla markaana aysan ahayn tii ku soo guul dareysatay CL sanadii 2015.

Juventus coach Massimiliano Allegri

“2015 waxaan gaarnay Final ka laakiin saas ay tahay xoog ahaan ma dhiiraneyn, kalsooni badan ma aynaan qabin, maxaa yeelay sanado badan ayaan ku dhibtooneynay Champions League,” tababaraha reer Talyaani ayaa sidaa ka yiri shirkiisa jaraa’id.

“Iskama aynaan soo gaarin final ka balse ma aynaan filaneyn inaan guuleysaneyno.

“Sanadkan waa ka duwan yahay kii hore. Sanadkii hore xilli ciyaareed fiican ayaan ku qaadanay Champions League, waxaa guul daro naga soo gaartay Bayern Munich wareega 16-ka, daqiiqad uun ka hor dhammaadka dheesha, si tartiib tartiib ah ayaana u soo koreynay.

“Iminka gabi ahaan waa ka duwan tahay, Juventus inbadan ayay hagaagtay.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles