(Munich) 21 Abriil 2016 Kooxda Bayern Munich ayaa helaysa war farxad leh kadib markii la shaaciyay inay dib u heli doonaan laba laacib oo aad muhiim ugu ah.
Bild ayaa daaha ka qaaday in Jerome Boateng iyo Arjen Robben ay dib ugu soo loaaban doonaan kooxda kulanka ay u safri doonaan arbacda dambe kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan Semi Final-ka Champions League.
Jerome Boateng ayaa isbuucaan dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa halka Robben uu qudhiisu soo laabtay maalmo ka hor.
Madaxwaynaha kooxda Bayern oo ka hadlay soo laabashada Arjen Robben ayaa yiri:
“Robben marwalba oo uu ka horjeedo kooxaha waa wayn kulamada waa wayn wuxuu soo muujiyaa xirfadiisa iyo orodkiisa, isaga ayaan sugaynaa, waxaanan rajaynaynaa inuu si dhaqso ah u soo laabto”.
Gool FM