Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

War naxdin leh oo u soo yeeray Atletico Madrid ka hor kulanka Bayern Munich!

$
0
0

(Madrid) 22 Abriil 2016 Tababare Diego Simeone ayaa helaya war uusan ku farxin ka hor kulanka ay soo dhawayn doonaan arbacada kooxda Bayern Munich koobka horyaalada yurub.

Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in daafaca kooxda Atletico Madrid Diego Godin uu ka maqnaan doono kooxda 3-da kulan ee soo socda kadib dhaawicii muruqa ahaa ee ka soo gaaray kulankii Bilbao.

Dhaqaatiirta kooxda Atletico ayaa baaritaano dheeraad ah ku sameeyay laacibka reer Uruguay maanta waxaana la ogaaday in Diego Godin uu u baahanyahay nasiino 2 isbuuc ah.

Diego Godin ayaa la filayaa inuu seego kulamada kala ah Malaga, Rayo Vallecano oo horyaalka ah iyo kulanka lugta hore ee Semi Final-ka koobka horyaalada yurub.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles