Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Otamendi oo baqdin ka muujiyay Mohamed Salah ka hor kulanka caawa (Muxuu yiri?)

$
0
0

(Manchester) 04 Abriil 2018 Daafaca kooxda Manchester City ee Nicolas Otamendi ayaa baqdin ka muujiyay weerar yahanka caawa uu ka hortagayo ee Mohamed Salah.

Liverpool ayaa caawa garoonkeeda ku marti qaadi doonta kooxda Manchester City lugta hore ee rubuc dhamaadka Champions League.

Nicolas Otamendi ayaa sheegay in Salah uu daafac walba dhibaatayn karo ilbiriqsi kasta maadaama uu yahay laacib aad u orod badan, sidoo kale wuxuu ka hadlay qatarta Firmino iyo Mane.

Image result for Otamendi Salah

“Salah waa laacib ku dhibaatayn kara ilbiriqsi walba, aad ayuu u orod badan yahay gaar ahaan marka uu hal laacib ka soo horjeedo, wuu garanayaa qaabkii uu sifiican ugu ciyaari lahaa” ayuu yiri Nicolas Otamendi.

“Liverpool waxay haysataa 3-weerar oo halis ah, kuwaas oo dhibaatayn kara koox walba, waxay ka kooban yihiin Firmino, Salah iyo Mane”.

“Ma nihin kooxda ugu cad cad hanashada Champions league waayo waxaa jooga Real Madrid iyo Barcelona, laakiin waa inaan isku daynaa inaan soo bandhigno qaab ciyaareed fiican isla markaana aan horay u socono intii macquul ah”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles