Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Ka hor kulanka lugta labaad, Claudio Marchisio oo rumaysan inay reebi karaan Real Madrid

$
0
0

(Torino) 04 Abriil 2018 Real Madrid ayaa xalay 3-0 uga adkaatay kooxda Juventus lugta hore ee rubuc dhamaadka koobka horyaalada yurub.

Waxaa la isku raacay in Real Mdarid ay lug la sii gashay Semi Final-ka Champions league maadaama meel ka baxsan garoonkeeda ay ku soo dhalisay 3-gool xili iyaga aan wax gool ah laga dhalin.

Laakiin Claudio Marchisio ayaa aaminsan in kooxdiisu ay ka soo kaban karto guul daradaas isla markaana ay horay u socon karto.

Wuxuu sheegay in qofkii aaminsan in Juventus ay hartay inuu yahay shaqsi aan ka tirsanayn kooxda, wuxuuna ku booriyay ciyaartoyda Juventus inaysan is dhiibin.

“Aad ayeey u adag tahay, laakiin waxaan soo bandhigi doonaa wax walba oo karaankeena ah” ayuu ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka.

“Haddii uu jiro qof rumaysan in arinku uu si dhab ah u soo dhamaaday, kaasi waa mid aan anaga naga mid ahayn, goolkii Ronaldo cajiib ayuu ahaa, in garoonka oo dhan looga sacabtumo waxay ahayd wax wanaagsan oo aan ku faanayno”.

“Cod dheer ayaan ku leenahay “horay u soco Juventus, anaga oo ku faanayna ayaan leenahay horay u soco”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles