Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

CAJIIB: Ka hor kulanka Caawa ee Liverpool iyo Man City, De Bruyn oo Cadowgiisa Maxamed Saalax u doortay….!!!

$
0
0

(Europe) 04 Abriil 2018. Liverpool ayaa caawa Anfield ku marti galineysa Man City lugta hore ee wareega sideeda Champions League, ciyaar ay si gaar ah indhaha u hayaan Maxamed Saalax iyo Kevin de Bruyn.

Labada Laacib ayaa ku dagaalamaya abaal marinta laacibka ugu fiican Premier League kal ciyaareedkan, Wiilka reer Masar ayaa hogaaminaya gool dhalinta Premier League iyo guud ahaan shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub halka xiddiga qadka dhexe ee Belgium uu wacdaro muuqato ka dhigayo gegada Etihad.

Iyadoo ay uu tartankaa xoogan ka dhexeeyo labada laacib ayuu misane De Bruyn u codeeyay Maxamed isagoona u doortay laacibka sanadka ee Premier League.

 Mo Salah, left, has scored a remarkable 36 goals in all competitions this season

Mar uu la hadlayay BT Sport ka hor kalanka caawa ayuu De Bruyn yiri:

“Waxaan Maxamed Saalax ugu codeeyay laacibka sanadka maxaa yeelay wuu u qalmaa. Haddii uusan ku guuleysanayn qof ka mid ah kooxdeena waxaan aaminsanahay inuu Saalax u qalmo.

“Ma eegayo wax horey u dhacay ma garanayo sida aan u soo xusho qof aan ahayn Saalax haddii aan qof ka soo xulan Karin kooxdeyda.

 Keavin De Bruyne admitted that Salah deserves to accolade but questioned how they can judge it because of their different positions

“Ma garanayo haddii uu Saalax ii codeynayo aniga, aniga caddaalad ayaan ahay waa ogtahay, haddii uu guuleysto wuu guuleystay.

“Isaga, aniga, Kane iyo David Silva, aniga ahaan waa afarta laacib ee ugu fiican sanadkaan si joogta ah. Aniga daacad ayaan u ahay codkeyga, wuu u qalmaa Saalax, haddii aysan dadka kale sameynayn midaa waxba kama qabo.”.

 BT Sport's Des Kelly revealed De Bruyne's voting paper

BT Sport ayaa soo sawirtay warqada codeyta De Bruyn, isagoo laacibka sanadka u doortay Maxamed Saalax halka da’yarka ugu fiican horyaalka uu u doortay xiddiga Tottenham Davinson Sanchez.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles