(Barcelona) 04 Abriil 2018 Kooxda Roma ayaa helaysa akhbaar xun ka hor kulanka caawa ay u martin doonto kooxda Barcelona lugta hore ee wareega rubuc dhamaadka Champions league.
Sky Italia iyo Football Italia ayaa si isku mid ah isugu raacay in Radja Nainggolan uu ka maqnaanayo caawa kulanka kooxdiisa Roma.
Laacibka ayaa dhaawac looga saaray kulankii sabtidii kooxdiisu ay 1-1 la gashay kooxda Bologna horyaalka talyaaniga.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Radja Nainggolan uusan qayb ka ahayn xitaa ciyaartoyda soo fariisanaya keydka kooxda maadaama uu ku fashilmay inuu taam u noqdo ciyaarta.
Waxaana booskiisa buuxinaya Lorenzo Pellegrini kaas oo qadka dhexe ku wehlin doona caawa Daniele De Rossi iyo Kevin Strootman.
Gool FM