(Torino) 04 Abriil 2018 Juventus ayaa dhabarka loo saariyay guul daro wayn xalay kadib markii Real Madrid ay uga adkaatay 3-0 kulankii lugta hore.
Kooxda ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu xalay dhaawac soo gaaray daafacooda Andrea Barzagli kaas oo shaki laga muujinayo inuu taam u noqon karo kulanka arbacada dambe.
36 jirkaan reer talyaani ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray murqaha caloosha kulankii xalay ay guul daradu ka soo gaartay Real Madrid.
Sida ay sheegtay kooxda wali lama go’aamin waqtiga rasmiga ah ee Andrea Barzagli uu dib ugu soo laabanayo tababarka kooxda.
Dhaawaca Andrea Barzagli ayaa imaanaya xili Paulo Dybala uu si rasmi ah u seegayo kulanka lugta labaad kadib markii xalay qaatay casaan.
Gool FM