(Europe) 04 Abriil 2018. Dadka intooda badan afkii baa juuqda gabay oo waxay ku sifeeyaan ayay garan waayeen bandhigii Ronaldo ee xalay gaar ahaan Labaaleydii Cajiibka ahayd uu ka dhaliyay Buffon ciyaartii ay 3-0 Real Madrid uga adkaatay Juventus.
Balse daaficii hore ee Los Blancos Alvaro Arbeloa oo Todobo sano Bernabeu ka garab ciyaarayay xiddiga reer Portugal ayaa durba jawaab la soo booday.
Daafaca reer Spain ayaa soo jeediyay in Ronaldo uu iminka isaga tagi karo adduunka aan ku noonahay ‘Earth’ isla markaana uu ku ciyaari karo Meeraha kale ee ‘Mars’.
“Cristiano Ronaldo iminka wuu ka tagi karaan adduunkan, wuxuuna la ciyaari karaa kuwa ku nool maareeyaha kale ee Mars. Wax kasta ayuu ka sameeyay dunidan.”.
Gool FM.