(Liverpool) 04 Abriil 2018. Manchester City ayaaba jah wareer lagu furay inta aanba ciyaarta la baasan kaddib taageerayaasha Liverpool oo ku soo dhaweeyay dagaal.
Baskii ay saarnaayeen ayaa miraayada laga jabiyay iyadoo goobtii dhamaana uu qariyay Qiic kaddib walxaha holca ay ku soo tuureen.
Sidoo kale dhalooyinka iyo qasacadaha ay wax ku cabayeen ayay ku soo tuureen baabuurkii siday xiddigaha Man City.
Waa hubaal in Liverpool awooda ay caawa ku faaneyso ay ugu badan tahay midda ay ka helayso taageerayaasheeda xaasadeysan.
SAWIRRO:
Gool FM.