Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Barcelona iyo Real Madrid oo 3-jeer kulmi kara 13-maalin gudahood (Sidee?)

$
0
0

(Madrid) 05 Abriil 2018 Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa is arki kara 3-jeer 13-maalin gudahood sida uu baahiyay wargayska Sport.

Barcelona iyo Real Madrid ay min hal lug la sii galay Semi Final-ka koobka horyaalada yurub kadib guulihii ay ka gaareen kooxaha Roma iyo Juventus.

Wargayska ayaa sheegay in labada kooxood ay isku arki karaan 3-jeer 13-maalin gudahood haddii ay isku soo aadaan Semi Final-ka Champions League.

Kulanka lugta hore ee Semi Final-ka ayaa la ciyaarayaa 24 iyo 25 April halka kulanka lugta labaad la ciyaarayo 1 iyo 2 bisha May.

Waxaa taas u sii dheer kulanka horyaalka oo Real Madrid ay u safrayso garoonka Camp Nou 6-da bisha May, balse wax walba waxay ku xirnaan doonaan inay soo baxaan labada kooxood isla markaana ay isku aadaan.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles